//Waxaa si rasmi ah u billowday fulinta mashruuca caafimaadka ah ee BAXNAANI- Day 1

Waxaa si rasmi ah u billowday fulinta mashruuca caafimaadka ah ee BAXNAANI- Day 1

Maantay waxaa si rasmi ah u billowday fulinta mashruuca caafimaadka ah ee BAXNAANI. Mashruucaan ayaa olelilihiisu soo billowday dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2017. Mashruucaani waa mid loogu tala galay in lagu daryeelo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka laguna wacyigaliyo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha sidii ay u joogteyn lahaayeen nadaafadda si looga fogaado qatarta cudarrada.

Maanta oo ahayd maalinkii koobaad ee mashruuca ayaa waxaa ka faa’iideystay barakacayaal ku nool deegaanka Tabeellaha ee ka tirsan Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir. Dadka ka faa’iideystay mashruucaan ayaa waxa ay isugu jiraan hooyooyin uur leh, carruurta ka yar shan sano iyo dad waaweyn. 108 ruux ayaa helay daryeel caafimaad iyadoo dadka qaarka kuwaas oo xaaladdoodu adagtahay loosoo wareejin doono qaar kamid ah Isbitaalada waaweyn ee kuyaalla magaalada Muqdisho.

By |2018-11-01T09:10:06+00:00November 1st, 2018|Activities|0 Comments